Chelsea oo iska iibineysa N’Golo Kante

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso ciyaaryahanka qadka dhexe ee reer France N’Golo Kante xagaagaan, iyadoo ku bixineysa dalab 60 milyan euro (£ 54.5m).

29-sano jirkaan ayaa la dhibtoonayay dhaawacyo xilli ciyaareedkaan mana uusan soo muuqan seddexdii kulan ee ugu dambeysay Premier League.

Kante ayaa wali seddex sano uga harsan qandaraaskiisa kooxda laakiin warar kala duwan ayaa soo jeedinaya in ku guuleystihii Koobka Adduunka 2018 loo qorsheyn karo inuu ka tago kooxda.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain, ganacsiga xagaaga ee kooxda Chelsea, kaasoo horey loogu arkay suuqa markii ay keeneen Hakim Ziyech iyo Timo Werner, ayaa la micno ah inay u furan yihiin iibinta xiddiga qadka dhexe ka hor xilli ciyaareedka 2020-21.

Blues ayaa la sheegay inay ku qiimeyso xiddiga heerka caalami ee dalka France 60 milyan euro (£ 54.5m), Real Madrid ayaana la sheegay inay isha ku heyso horumarkiisa.

Barcelona iyo Inter Milan ayaa sidoo kale la sheegay inay xiiseynayaan xiddiga ku guuleysatay Horyaalka Premier League.