Chelsea ayaa daawaneysa xaalada Mauro Icardi uu kujiro xilli ciyaareedkan.
Weeraryahanka Inter Milan ayaa amaah ku jooga PSG, inkastoo mustaqbalkiisa weli cirka uu kujiro.
Icardi iyo xaaskiisa ahna wakiilkiisa Wanda Nara ayaa lagu soo waramayaa inaysan ka hor imaan doonin ku laabashada Italy laakiin ku laabashada Inter ayaa u muuqata mid aan macquul aheyn.
Wareysi ay siisay majaladda France football, ayay Nara ku tiri: “Ma ogi haddii sannadka dambe aan ku noolaan doonno Milan ama Paris.
Kubada cagta waligaa ma ogaan kartid waxa dhici doona mustaqbalka. ”
Gazzetta dello Sport ayaa sheegeysa in Chelsea ay ka fiirsaneyso xaalada 27 jirkan, iyadoo Real Madrid iyo Juventus ay sidoo kale isha ku hayaan horumarkiisa.
Icardi ayaa ku jiray qaab ciyaareed xasaasi ah waqtigiisa kooxda caasimada France, isagoo dhaliyay 19 gool 28 kulan uu saftay xilli ciyaareedkan.