Cesc Fabregas Oo Shax Ka Doortay Ciyaartoydii Uu Kasoo Dhinac Ciyaaray Heer Qaran & Heer Kooxeed

Kabtankii hore Arsenal Cesc Fabregas ayaa doortay shaxda saaxiibadii ugu fiicnaa uu ka dhinac ciyaaro heer kooxeed iyo heer qaran, waxaana laga waayay halyeeyo badan uu kasoo dhinac ciyaaray.

Xiddigaan ka tirsan Monaco ayaa hal ciyaartoy kasoo xushay qarankiisa waana Iker Cassillas kaas oo ah xiddiga aan kooxaha uu soo maray kula ciyaarin balse La Roja uu mudnaanta kusiiyay, wuxuuna ka doorbiday Victor Valdes, Courtois iyo ciyaartoy kale.

Kooxda ugu badan uu ciyaartoy kasoo xushay waa Barcelona oo tiro shan xiddig ah uu kasoo qaatay, waxaana ugu horreeya Gerard Pique kaas oo ah mid ka mid ah xiddigaha reer Catalonia ee ugu magaca dheer gobolka.

Marka laga hadlo daafaca kaliya, wuxuu xushay saddex xiddig oo uu Barcelona kula ciyaaray, halka uu ka tagi waayay hogaamiyahii hore Blues John Terry, sidoo kale xiddigaha uu ka tagay waxaa ugu waaweyn: Ashley Cole, Carles Puyol, Frank Lampard, Xavi, Sergio Busquets iyo Robin van Persie.