Muqdisho-RisaalaFM- Shacabka Soomaaliyeed gaar haan kuwa reer Muqdisho ayaa u diyaar u diyaar garoobaya dabaal dega munaasabadda maalinta ciidul adxa, oo ku aadan dhamaadka todobaadkan.
Carwo Alkowthar oo ka mid ah carwooinka ugu waa weyn dalka ayaa munaasabadda Ciidul Adxa awgeed waxay macaamiisheeda u sameysay qiimo dhimis aad u jaban oo dadka raali gelinaya.
Qiimo dhimista oo ay sameysay Carwo Al-kowthar oo bilaabatay 10-maalin ee ugu horeysa bisha Dil Xaj ayaa qiima dhimisteeda waxay u dhaxeysaa 20% ilaa 30%, sida uu sheegayo Ustaad Maxamed Xasan Ibraahim oo ka mid ah maamulka Carwo Al-kowthar.
Dhanka kale Ustaad Maxamed ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyay waqtiga shaqada Ciidul Adxa awgeed, shaqaalaha Al-kowthar ayna soo howlgalayaan aroortii ee subixiii, shaqeynayaana ilaa laga waayo qof macaamiil ah oo soo adeeg doontay.
Carwo Al-kowthar oo xarumo kala duwan ku leh magaalada Muqdisho ayaa dhamaan xarumaheeda waxaa ka jira qiima dhimistan, waxaana carwada xarumaha ay ku leedahay Muqdisho ka mid ah qeybta Suuqa Bakaaraha iyo Maka Al-mukarama.
Carwo Al-kowthar oo looga kalayimaado 17-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo gobolada dalka ayaa waxa ay iibisaa Dharka Ragga, Dharka Dumarka, Dharka Caruurta, Jiifafka, Fadhiga, Qalabka Jimicsiga, Qalabka Isboortiga, Qalabka Caruurta ay ku cayaaraan iyo Shopping nuuc walba oo aad u baahato.
Carwo Al-kowther saqiir dhalan maalin sad ku san baa yaalla.
PHOTOS:- Abdirashiid Ali Dubbad







