Hadal heyn iyo Carro ayaa ka dhalatay hadal uu maanta ka sheegay Magaalada Garowe Maxamuud Xayir Ibraahim Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya .
Waxaa uu sheegay in xilliyadda Ololaha Madaxda Puntland ay ku tartaan in ay soo celin doonaan dhul ka maqan Puntland oo uu ula jeeday gobolada Sool iyo Sanaag oo Somaliland iyo Puntland ay ka wada taliyaan, islamarkaana labadda dhinacba ay sheegtaan maamulka labadda gobol.
Waxaa uu sheegay in maanta loo baahan yahay in loo istaago sidii loo soo celin lahaa gobolada Sool iyo Sanaag, islamarkaana uu ku taageeri doono Madaxda Puntland.
Waxaa uu caddeeyay in Madaxda Puntland laga doonaayo in ay ku dadaalaan sidii loo soo celin gobolada ka maqan Puntland.
Qaar ka mid ah Bulshadda Soomaaliyeed ayaa si weyn u hadal hayay hadalka Wasiirka Saacaddihii lasoo dhaafay, waxaana qaarkood ay sheegeen sidda ay macquul ku tahay in Wasiir ka tirsan dowladda uu ku dhawaaqo in Somaliland la weeraro.
Bulshada ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in uu wax ka qabto Khudbadda Wasiirka oo abuuri karta Carro dadweyne.






