Madaxweynaha ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo warseysi siiyay mid ka mid ah telefishinada Maxaliga ee Soomaaliya ee lagu magacaabo Tusmo ayaa sheegay in maamulka Galmudug xilliggaan ay ka taagan tahay xaalad adag.
Carabey waxaa uu sheegay in Khilaafka ka dhex taagan maamulka Galmudug uu soo taagnaa waqti dheer ah, islamarkaana ilaa iyo hadda aan laga gaarin xal buuxa.
Waxaa uu sheegay in maamulada Jubbaland iyo Puntland oo uu sheegay in ay yihiin maamulo waa weyn in ay leeyihiin Aqoonyahan iyo Waxgarad xaliya dhibaatada maamulka soo Wajahda,laakiin maamulka Galmudug uu waayay Aqoonyahan iyo waxgarad xaliya dhibaatada.
Carabey ayaa ugu baaqay Waxgaradka Galmudug in ay ukala garnaqaan, isaga iyo Madaxweyne Xaaf oo Muddo ka badan hal sano kalafadhiya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.



