Cadde Muuse oo Imaaraadka ku geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Maxamuud Muuse Xersi (Cadde Muuse) ayaa ku geeriyooday dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo waayahan dambe uu ku xanuunsanaa.

Geerida Cadde Muuse, ayaa waxaa xaqiijiyay qaar ka tirsan eheladiisa oo siyaabo kala duwan ugu waramay Warbaahinta, waxa ayna sheegeen inuu ku geeriyooday dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Cadde Muuse, ayaa soo qabtay xilka Madaxweynaha Puntland, isaga oo sidoo kale ka mid ahaa Saraakiishii ciidanka Xooga dalka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Cadde Muuse Xersi ayaa wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadka markii uu ahaa 1937, isaga oo heerarkiisa waxbarashada meelo kala duwan ka soo qaatay.

Shaqadii ugu horeysay ee uu qabto waxa ay aheyd shaqada ciidanka oo tababar dhanka dibada ah loogu qaaday, islamarkaana kaalin fiican uu ka galay.

Madaxda Puntland ayaa ka tacsiyadeysay geerida Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cadde Muuse Xersi.