Cabsi la xiriirta fatahaad oo ka taagan Beledweyne

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka taagnaa cabsi la xiriirta fatahaad uu sameeyo Wabiga, kadib markii degaanka Qooqane dad la sheegay inay Wabiga kasoo gooyeen oo Jawaano loo dhigay ka qaadeen.

Xubno ka mid ah Guddiga Gurmadka ganacsatada Beledweyne uu Horkacayo Xaaji Sabriye ayaa kormeeray deegaanada, Qooqane, Leebow, Garaash, Bacaad iyo degaano kale oo dhamaantood ka wada Tirsan Degaanada Waqooyi ee Beledweyne.

Ujeedka sahanka ayaa ahaa xaqiijinta warar kala duwan ee laga soo sheegayo degaanadaasi ee la xariiro in uu jiro dhaq ama hoos u dhac Biyaha fatahada Wabiga Shabeelle oo lagu arkay qaarka mid ah degaanada waqooyi sida ay shegeen dadka degan Deegaanadaasi.