Buundadii Al-shabaab ay kaga soo gudbi jirtay G/Sh/Dhexe oo la Burburiyay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in Ciidanka NISA, oo Kaashanaya Saaxiibada Caalamka ay burburiyeen Buundadii ay ka soo gudbeen AS ka dagaalantay Gobolka Shabellaha Dhexe

Sidoo kale qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in gaadiid dagaal lagu gubay howlgalka, islamarkaana maleeshiyaad iyo horjoogayaal lagu filay dilay howlgalka ka socda gobolka Shabeelada dhexe.

War ka soo baxay taliska NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay xiligan go’doon ku yihiin deegaano hor leh oo ka tirsan goboĺkaasi.

Halkan hoos ka akhriso qoraalka