Burundi oo ciidankeeda kala baxaysa Soomaaliya

Madaxweynaha Burundi ayaa Jimcihii ku hanjabay in dowladdiisa ay Soomaaliya kala soo bixi doonto ciidamo gaaraya   ku dhowaad 5,500 askari oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM.

Madaxweynaha dowladda Burundi ayaa ku sheegay Sababta ciidankooda ay ugala baxayaan Soomaaliya in ay tahay in aysan qaadan gunooyinkii iyo mushaarkii loogu tala galay muddo ku dhow hal sano.

Pierre Nkurunziza ayaa sidoo kale xusay in Midowga Yurub ay ka gaabiyeen in ay bixiyaan mushaarka ciidanka dowladda Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Waxaa uu tilmaamay in ciidankiisa ay la kulmayaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin weeraro aan joogsi la hayen oo  kaga imaanaya Xarakada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Burundi ayaa sheegay in ciidanka ka joogga Soomaaliya ay dalbanayaan in mushaarkooda la siiyo si deg deg hadii kale ay la bixi doonaan bilaha soo socda.

Ugu dambeyntii waxaa uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in khilaafka u dhaxeeya dowladda Burundi iyo sidoo kale Midowga Yurub  in uusan saameyn ciidanka ka joogga dowladda Burundi Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ka howlgala Ciidamo tiradooda lagu qiyaasay  22,000 Askari oo kala soo socda Qaar ka mid ah dalalka Qaarada Afrika , waxaana ciidankaasi la sheegaya in mararka qaarkooda aysan qaadan mushaar.

Pierre Nkurunziza madaxweynaha dowladda Burundi ayaa aheyn hogaamiyihii ugu horeeyay ee ku hanjaba in uu ciidankiisa uu kala baxaayo Soomaaliya ee horay ayaa hogaamiyeyaasha Uganda, Kenya waxa ay ugu hanjabeen  in ay Soomaaliya ay kala baxayaan ciidanka ka joogga.