Man United ayaa isku diyaarineysa kulanka ay Old Trafford kusoo dhaweynayaan Wolves, waana ciyaar ka tirsan horyaalka Premier League.
Labadaan kooxood dhawaan ayey isku arkeen koobka FA Cup-ka, laba kulan oo ay ciyaareen 3-2 waxaa kusoo baxay Red Devils oo iska xaadirisay wareega xiga.
Sawirada maanta laga qaaday ciyaartoyda Man United aad ayey dadka u raadiyeen maadaama uu qof walba isha ku hayay hadii uu kasoo muuqdo saxiixa cusub ee kooxda Bruno Fernandes oo lambarka 18-aad loo xiray.



