Brazil oo walaac hor leh wajaheysa kadib barbarihii Switzerland

Neymar ayaa walaaca ku badiyay Brazil kadib markii uu dhaawac kaga baxay tababarkii uu xulkiisu isugu diyaarinayay kulanka soo aadan oo ay la ciyaari doonaan Cost Rica. Paris Saint-Germain xidiggeeda ayaa dhawaan kasoo laabtay dhaawac jab ahaa oo kasoo gaaray cagta balse si wacan kaga soo muuqday kulamadii xulkiisu isugu diyarinayen koobka dunida isagaoona kusoo bilaawday kulankii ay barabarahha 1-1 ah lagaleen Switzerland axaddii.

Halka Neymar uu ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaartaas oo katirsanayd Grpoup E, isaga oo sidoo kale kulmayay raacasho adag dhaw jeer xidigaha Switzerland.

Weeraryahankan ayaa latababartay ciyaaryahanada ay isku waddanka yihiin muddo 15-daqiiqo ah. Iyada oo lafahansanyahay in Neymar uu mari doono tijaabo caafimaad macallinka xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa aad ugu raja wayn in weeraryahankiisu uu wajahi doono Cost Rica jimacaha.

Dhaqtarka kooxda Brazil Rodrigo Lasmar  ayaa hoos u dhigay dhibaatada Neymar isla markaana qiray in xidigga uga baxay tababarka taxaddar fdarti. ‘waxa kaliya aan sameen karno waa in aan is dajinaa,’ ayuu yiri Lasmar.

‘Tababar gaaban ayaa loo qorsheeyay xidigaha kusoo bilaabanaya manta, walina waxa ay ku jiraana hannaanka soo kabashada. ‘Neymar waxa uu tababartay in yar, waxa uu dareemay xanuun, waxa uuna dib ugu laabtay jimicsiga barrina waxa uu u tababaran doonaa si caadi ah.’