Temer ayaa dublamaasiyiinta ku martiqaaday hilib solay ah ka dib kulan rasmi ah oo ay madaxtooyada kula yeesheenLahaanshaha sawirkaAP
Temer ayaa dublamaasiyiinta ku martiqaaday hilib solay ah ka dib kulan rasmi ah oo ay madaxtooyada kula yeesheen
Madaxweynaha dalka Brazil Michel Temer ayaa dalalka adduunka u xaqiijiyay in musuqmaasuqa hareeyay warshadaha hilibka ee dalkiisa in aysan ka dhignayn in wax soosaarkoodu uu yahay mid aan badqabin oo xun.
Isaga oo kulan la yeeshay danjireyaasha dalalka qaaradda Yurub, kan Maraykanka iyo midka Shiinaha ayuu Temer sheegay in dawladdiisu ay wali ku kalsoontahay tayada hilibka ee dalka ee Brazil.
Shirkaddaha ugu waawayn dalkaas ee warshadeeya hilibka ayaa lagu eedeeyay in ay muddo sannado ah iibinayeen hilib aan tayadiisu wanaagsanayn.
Brazil ayaa kaalinta koobaad kaga jirta dalalka adduunka ee dhoofiya hilibka xoolaha ama hilibka guduudan.


