Kooxdda Borussia Monchengladbach ayaa guul ka gaartay kulankii xalay ee Champions League waxaana ay aheyd guushoodii koowaad ee xili ciyaareedkan ay ka gaaraan tartanka waxaana ay 2-0 ku garaaceen Celtic.
Guushaan ayaa timid iyadoo galinkii hore ee shalay ay kooxddu sheegtay iney badashay magacii kooxdda waxaana ay la baxeen “A German team”.
Jamaahiirta kooxdda ayaa Twitter-ka ugu dabaal dagay guusha kooxdda iyo magaca cusub ee ay qaateen kaas oo ay sheegeen inuu durba guul u horseeday.
Labo gool oo ka timid xidigaha Lars Stindl iyo Andre Hahn ayaa kooxdda Gladbach ka caawisay iney 2-0 ku badiso.
Kooxddu ma aaney sharaxin sababta keentay in la badalo magaca naadiga.


