Borussia Dortmund ayaa oo garoonkeeda joogtay ayaa dhegaha kasoo jaftay Tottenham Hotsbur oo safar ku tegay Jarmalka, lugtii 1-aad ee wareegga 16-ka Europa League-ga.
Macallinka Tottenham ayaa iska qalday shaxdiisa,kadib markii uu lasoo shar-tegay cayaartoy u badan yar yar ee keydka, malaha waxaa uu islahaa bar-barro waad ka heli kartaan ee nasiiso xiddigaha muhiimka ah.
Pierre-Emerick Aubameyang oo ah weeraryahanka loogu doonista badan yahay Yurub ayaa daqiiqaddii 30-aad gool madaxa ahaa kaga naxsaday Tottenham, sidaas oo 1-0 ah ayaana lagu maray qeybtii hore.
Daqiiqadii 61-aad iyo 70-aad ayuu Marco Reus laba jeer soo taabtay shabaqa Tottenham, 3-0 ayayna guusha ku raacday Dortmund,waxay u badan in kooxda reer England ay macsalaameyn doonto tartankan.
Dhanka kale, Basel oo joogta dalkeeda Switzerland ayaa bar-barro 0-0 ah la gashay Sevilla oo ka socotay Spain, haddana difaacaneysa koobkan.
Sidookale,Fenerbahce oo Turkiga ah ayaa 1-0 kusoo macsalaameysay Braga oo Purtugal ah.
Shakhtar Donetsk oo Ukraine ah joogteyna garoonkeeda ayaa 3-1 ku sagootisay Anderlecht oo Belgium-ka ah.