Italy-RisaalaFM- Booliska Dalka Talyaaniga ayaa xiray 2 Nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay Qaad qalalan iyo Waxyaabo kale oo Maandooriyaal ah ay soo gelin jireen dalkaasi.
Labadan Nin 23, iyo 28 sano jir ah ayaa waxaa lag qabtay magaalada Pozzallo oo ka tirsan dalka Talyaaniga xilli ay gacanta kula jireen Waxyaabo Maandooriyaal ah sida ay baahisay warbaahinta dalka Talyaaniga.
Booliska dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Labadan Nin Mandooriyaha ay ka keeni jireen Jasiirada Malta, in badana ay ku daba jireen Ciidamada Booliska, iyadoo baaritaano dhowr oo la sameeyay ay ugu dambeyn suura gashay in gacanta lagu soo dhigo nimankan.
Waxa ay sheegeen nimankan Soomaalida ah Maandooriyaha Qaadka ah ee lagu qabtay uu gaarayo 36 KGM, iyadoo sidoo kale ay sheegeen in ay ku daba jiraan rag kale oo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin raggan.
“Waxaan qabanay 23 iyo 28 sano jir Soomaali ah kuwaas Qaadka qalalan iyo Waxyaabo kale oo Maandooriyaal ah soo geliya Talyaaniga, iyagoo ka keeni jiray jasiirada Malta,waxaan horgeyn doonaa sharciga” Afhayeen u hadlay Booliska dalka Talyaaniga ayaa sidaas yiri.
Dhalinyaro fara badan oo Soomaali ah ayaa ku nool dalka Talyaaniga kuwaas oo inta badan lagu eedeeyo in ay dalkaasi soo geliyaan Waxyaabaha Maanka Dooriya iyo in mararka qaar ay ku kacaan falal lidi ku ah amniga.


