Booliska Talyaaniga oo xiray Maxamed Faarax

Police stand near a barricade during an operation in the center of Brussels on Sunday, Nov. 22, 2015. Western leaders stepped up the rhetoric against the Islamic State group on Sunday as residents of the Belgian capital awoke to largely empty streets and the city entered its second day under the highest threat level. With a menace of Paris-style attacks against Brussels and a missing suspect in the deadly Nov. 13 attacks in France last spotted crossing into Belgium, the city kept subways and underground trams closed for a second day. (AP Photo/Virginia Mayo)

Ciidamada booliska dalka Talyaaniga ayaa xiray Muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaan jiray Kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Booliska waxa ay sheegeen in ninkaasi oo ka mid ah qaxootiga Soo galay dalka Talyaaniga in la xiray ka dib markii uu magangeliyo soo waydiistay Waaxda Qaxootiga dalka Talyaaniga.

Magaca ninka la xiray ayaa lagu sheegay Maxamed Faarax oo da’diiso tahay 24 sano jir, waxaana uu ku sugnaa markii la xiraayay magaalada Calarabinieri.

Waaxda dambi baarista dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in Maxamed Faarax oo ka mid ahaa Kooxihii Burcadbadeeda ee sanadkii 2011-kii Afduubtay Markab siday Shidaal oo laga leeyahay dalka Talyaaniga.

Markabkaasi ayaa laga qaaday Madaxfurasho, waxaana qaar ka mid ah Shaqaalihii saarnaa Markabkaasi loo geystay Jirdil.

Dowladda Talyaaniga waxa ay sheegtay in ninkaasi oo ka mid ahaa dadka sida aadka ah loo raadinaayay.