Booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray Siyaasi lagu xiray Muqdisho.

Ciidanka booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgalla saldhigga degmada Xamarweyne, ayaa xabsiga dhigay guddoomiyaha urur siyaasadeedka Shacabka  Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac, oo laga dhax xiray degmada Xamarweyne.

War kasoo baxaya taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in C/Raxmaan Suleymaan Jaamac, uu ku kacay fal liddi ku ah amniga Qaranka Soomaaliya, mana caddeyn booliiska falkaasi rasmiga ah ee loo xiray siyaasigan.

”Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar Wayne oo gudanaya waajibaadka Qaranka ayaa soo xiray eedeysane C/Raxmaan Suleymaan Jaamac, kaas oo ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Booliiska Soomaaliya ayaana caddeeyay in siyaasigan xabsiga la dhigay la horgeyn doono maxkamad qaadeysa kiiskiisa, waxa ayna booliiska uga digeyn muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiirogelinta cadawga, iyadoona loogu hanjabay ciddii falkaasi ku kacda caddaaladda la horgeyn doono.

”Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Khawaarijta ah Ruux walba oo ku kaca falal liddi ku ah Ammanka Qaranka Waxa uu wajihidoonaa hay,addaha Cadaalada” ayaa lagu yiri warka booliiska soo saareen.