Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dilka Haweenka loo geystay

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay dil iyo dhaawac saakay wax kamid ah loogu geystay Haween la sheegay inay qeybta Nadaafadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay booliska ayaa waxaa lagu sheegay in koox hubeysan ay dishay Saddex Haween ah oo laba kamid ah xaamilo ahaayeen, waxaana lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

“Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen Maleeshiyaad la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin. Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan Kooxaha Argagixisadda ah ayaa lagu yiri” Qoraalka booliska.

Majirto cid shaagatay mas’uuliyada dilka saaka xaafada Warlaliska ee degmada Deeyniile Haweenka loogu geystay, hayeeshee Booliska Soomaaliya ay sheegeen inay baritan ku hayaan.