Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Saldhiga Booliiska Degmada Wardhigley, isagoo faahfaahin ka bixiyay arrimo la xiriira amniga iyo xaalado dhowaan dhacay.
Taliyaha ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay afar askari oo ku eedeysan inay si bareer ah u dileen Axmed Siicow oo kamid ahaa shacabka deggan xaafadda Siinaay. Wuxuu intaas ku daray in askartaas dhawaan la horgeyn doono Maxkamadda, isla markaana lagu soo oogi doono dacwad ku saabsan waxyeellada ay u geysteen qof rayid ah.
Dhinaca kale, Taliye Macalin Mahdi ayaa digniin culus u diray xubnaha mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay hurinayaan colaad iyo xasillooni darro, taas oo uu sheegay in aysan marnaba Booliiska u dulqaadan doonin.



