War kasoo baxay Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa loogu digay dadka ku nool dalkaas inay ka feejignaadaan Burcad bilaawday in siyaabo aan caadi aheyn ay dadka uga dhacaan waxyaabaha ay heystaan.
Digiintaan ayaa lagu sheegay in y soo baxeen Kooxo burcad ah oo dadka u sheegaya inay iibinayaan barafuun ama Catar,kuwaas oo dadka sanka u saaraya Tiish ama Safaleeti yar oo Sun lagu buufiyay,kadibna ay sidaasi kugu dhacayaan.
Kooxda Burcada ayaa Boolisku sheegeen inay tagayaan goobaha Ganacsi hortooda,kadibna sidaasi dadka sanka ugu saarayaan Tiishka lagu buufiyay suntan si ay kuu dhacaan,waxaana dadka lagu amray inay ka feejignaadaan.
“Ogow ma ahan Barafuun ee waa Hab cusub oo Sun iyo Daroogo lasoo mariyey oo ku Suuxinaya, iyagoo kadibna ku Dhacaya, ku Afduuban kara ama Falal kaxun kugu samayn kara, waxayna ilaa iyo hadda ka dhaceen 3 Mall oo caan ah, kuwaasoo Nolol iyo geeriba lagu waayey 7 Gabdhood” ayaa lagu yiri fariintan oo uu soo diray Sarkaal sare oo Police ah.
Dadka ku nool dalka koonfur Afrika oo Soomaali qeyb ka tahay ayaa waxaa hesyta dhibaatooyin kala duwan oo uga imaanaya Burcad Koonfur Afrikaan ah,kuwaas oo u geysanaya falal ay ka mid yihiin,dil iyo inay boobaan hantidooda.




