Ciidanka Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay adkeeyeen ammaanka guud ee magaalada Mombaza ee dalka Kenya ka dib markii ay soo baxday cabsi xoogan oo ku aadan in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay sugan yihiin gudaha magaalada Mombaza ee dalka Kenya.
Guddoomiyaha gobolka Mombasa Mohamed Maalim ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ku jiraan heegan sare si looga hortago musiibada kasta.
“Waxaan ku jiraan heegan sare , waxaana loo hubinaaya muwaadiniinta oo dhan si fiican . Waxaan sidoo kale la soconaa dhammaan goobaha kale ee waaweyn ee magaalada Mombasa , “ayuu yiri gudoomiyaha Mombaza isagoo la hadlaayey wargeyska Star.
Warbixin ay sirdoonka dhawaan shaaca ka qaadeen ayaa lagu sheegay in magaalada Mombasa ay u nugulshahay weerarro argagixiso oo maleegayaan Al-Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya .
Al-Shabaab ayaa horay u sheegay inaysan joojin doonin weerarada ka dhanka ah Dowladda Kenya, ilaa ciidamada Kenya laga saaro gudaha Soomaaliya.


