Booliska Kenya oo gacanta ku soo dhigay ninkii lagu tuhunsanaa Dilka Haween Soomaali ah

Booliska Kenya ayaa gacanta ku soo dhigay ninkii ugu weynaa ee lagu tuhunsanaa Dilka saddexdii Haween ee Soomaalida ahaa, kaasoo 21-kii Bishii hore ka dhacay Xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Haashim Dagane Muxumed ayaa la sheegay in laga soo qabtay halkii uu ku dhuumaaleysanayay, waxaana lagu xiray Saldhigga Booliska ee Kamukunji, kadibna waxaa loo gudbiyay Xarunta Denbi barista Kenya ee DCI.

Haashim ayaa ku eedeysan inuu afduubtay, kadibna si arxan darro ah u dilay Waris Daa’uud, Aamina Cabdirashiid, iyo Nuseyba Cabdi Maxamed.