Ciidamada Booliska dalka jarmalka ayaa gacanta ku dhigay tahriibayaal Soomaaliyeed ,kuwaa soo doonayay in ay si qarsoodi ah ay ku galaan dalkaasi.
Dadkaan ayaa lagu soo qariyay gaari xamuul ah,kuwaa soo qaarkood ay ku neefqabatoobeen.
Ciidamada Booliska ayaa sheegay in dadkaani ay kasoo gudbeen xadka dalka Austria ,islamarkaana qaab aan horay loo arag ay doonaayeen in ay kusoo galaan dalka Jarmalka.
Waxa ay sidoo kale ciidamo ay sheegeen in dadkaasi Soomaaliyeed lala qabtay Afrikaan kale oo qaarkood ay kasoo jeedaan dalka Nigeria.
Dadka la qabtay ayaa tiradooda lagu qiyaasay 7 qof waa weyn iyo sidoo kale Shan Caruur ah.
Booliska sidoo kale waxa ay sheegeen in ay qabteen Mukhalasiintii dadkaasi tahriibinaayay.
Isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka ayaa dadkaasi la geeyay,maadaama qaarkooda ay neeftu ku dhegtay.



