Booliska Gobolka Banaadir oo xiray Askari Baraha Bulshada ku dhaliilay dowladda

Ciidanka Booliiska gobalka Banaadir gaar ahaan saldhigga Booliiska degmada Deyniile ayaa maanta  xiray eedeysane Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib) oo kamid ah dadka kunool degmada Deeyniile ee Magaalada Muqdisho.

Eedeysanaha oo ah askari katirsan Ciidanka Qalabka sida ayaa ku eedeysan is hor istaag amar Maxkammadeed iyo ku lug lahaasho kicin bulsho, waxaana la horgeydoonaa Maxkamadda Ciidamada ee ku shaqada leh Howlahaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya waxaa ay xirayeen cid kasta oo dhaliisha dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale dadka la xiray kamid ah Dhalinyaro baraha Bulshada ka waday dagaal qabiil.

Tallaabada Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ay ku xir xirayaan dadka Baraha Bulshada ka hadla ayaa lagu sheegay inay tahay mid looga hortagayo dhaqan xumada iyo dadka hadallada dhaqanka xun ka sheega Baraha Bulshada.