Ciidamada Amaanka Degmada Guriceel ee Galmudug ayaa gacanta ku dhigay gaari ay saarneed boqolaal dhalo oo qamri ah kaasi oo ka yimi dhanka Caabudwaaq kunasii jeeday Muqdisho.
Askarta ku sugan barta koontrol ee laga soo galo Guriceel oo hayay macluumaadka qamrigan ayaa joojiyay gaarigan, kadibna baaris ku sameeyay kartoomo gaarigu siday oo u badnaa qamri ku dahaarnaa kartoomo.
Taliska qeybta booliska Galmudug ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay gaarigaan iyo Cidii wadatay, islamarkaana dhawaan sharciga la marsiin doono.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay aaminsan yihiin in Magaalada Muqdisho loo waday waxyaabahaan maanka dooriya.



