Kumanaan banaanbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Magaalada London ee dalka Briatan waxa ayna ka mudaharaadayeen sida Dowladda Ingriiska aysan waxba kaga qabaneyn cimilada adduunka ee sii kululaaneysa.
Booliska rabshadaha ka hortaga ee Britain ayaa xiray 85 qof oo kamid ah banaanbaxayaashaasi waxaana lasoo warinayaa in si xun loola dhaqmay mudaharaadayaasha oo ay Boolisku budad la dhaceyn.
Shan Buundo iyo wadooyin waaweyn oo ay kamidyihiin wadooyinka Westminster, Lambeth iyo Southwark oo dhamaantood ku yaalla bartamaha Magaalada mashquulka badan ee London ayey isku gadaameyn oo ay xirteyn dibadbaxayaasha.
Booliska ayaa ku doodaya in ay ku qasbanaayeen in ay xiraan banaanbaxayaashaasi si bay yiraahdeen ay u furaan wadooyinka iyo Buundooyinka ay xirteyn, hase ahaatee waxaa lagu eedeynayaa in iyagoo aan qofna xirin ay wadooyinkaasi furi kareyn sida ay aaminsanyihiin dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadanaha.
Inkastoo mar dambe Booliska ay u suurtagashay in ay wadooyinka furaan balse banaanbaxayaasha ayaanan quusan waxa ayna isugu imaadeen afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka Dalkaasi iyo sidoo kale wasaarada Tamarta ee Britain halkaasi oo ay ku muujiyeen sida ay kaga xunyihiin in Britain ay iska eeganayso cimilada adduunka ee sii kululaaneyso.



