Booliiska Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Baydhabo.

Taliyaha booliska Soomaaliyeed ee gobolka Baaya, Sadiiq Duushisho oo warbaahinta dhawaan kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in qasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay dagaalkii saaka.

 

“Saaka maydadkooda iyo dhaawacyadooda ayaa meel walba yaala, oo ilaa iyo hadda aan guraynaa”, ayuu u sheegay warbaahinta isaga oo ka hadlayay ciidamadii saaka soo weeraray magaalada Baydhabo.

 

Ma uusan sheegin tirada dhimashada iyo dhaawac midna iyo in dhanka ciiadamada dowladda qasaare soo gaaray intaba.

 

Dhanka ciidamada daacadda u ah Laftagareem, kama aysan hadlin qasaare ka soo gaaray dagaalka.