Biriq lamaane ku dishay duleedka Degmada Caabudwaaq

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Laba ruux oo lamaane ahaa, dhawaana ku aqal galay ay  xalay Biriq ku dishay  duleedka Magaaladaasi.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Eheladda labada Marxuum Falkaan ayaa ka dhacay Deegaanka Ari Cadeys halkaasi ka da’ay roob badan, iyadoo ugu dambeyn biriqda roobka ay dishay labada ruux.

Labadda ruux ee Geeriyootay ayaa waxaa lagu kala Magacaabi jiray Raagge Naanale Aadan Bootaan iyo Faadumo Subeyr Cabdi Cabdille Hiiro.

Gobolo ka mid ah Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ka bilowday roobka, iyadoo Magaalooyin waaweyn oo Muqdisho ay ka mid tahay uu ka da’ay roobka, si wayna loo maqlaayay gugaca roobka.