Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester City Bernardo Silva ayaa kalsooni ku qabay in markasta uu la qabsan karay kooxdiisa kadib markii uu keydka kusoo bilowday inta badan xilli ciyaareedkii hore.
Silva, oo 24 sanno jir ah, ayaa ku faraxsan inuu ku bilowdo kulamada kooxda Manchester City ee xilli ciyaareedkaan, isagoo kooxdiisa u ciyaaray afar kamid ah shanta kulan ee ugu horeysay Premier League.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa City kaga soo biiray Monaco lacag 50 milyan oo ginni ah sannadkii hore, laakiin waxa uu kusoo bilowday kaliya 15 kamid ah 35 kulan oo uu kooxdiisa u ciyaartay xilli ciyaareedkii hore.
Si kastaba ha ahaatee, Silva ayaa sheegay inuu ogaa inuu horumar sameyn doono xili ciyaareedkiisa labaaad, isagoo fursad u helay haaatan inuu la qabsado noolasha England.
“Xilli ciyaareedka labaad mar walba wuu ka sahlan yahay kan ugu horreeya, marka aad bedesho jawiga aad ku ciyaareyso way adag tahay inaad si dhaqso ah ula qabsato, waxaad u baahan tahay kooxda, asxaabtaada, horyaalka iyo garsoorayaasha inaad fahamo,” ayuu yiri.



