Benteke oo ku dhow inuu lumiyo Booskiisa Qaranka

Booska weeraryahanka Liverpool Christian Benteke ee qarankiisa Belgium-ka ayaa halis weyn ku jira sida uu sheegay tababare Marc Wilmots.

Weeraryahanka Liverpool Benteke ayaa ku dhibtoonaya kooxdiisa tan iyo markii uu £32.5million uga soo tagay kooxda Aston Villa.

Qaranka Belgium-ka ayaa haysta weeraryahanka Romelu Lukaku kaas oo ah ciyaaryahanka labaad ee ugu gool dhalinta badan horyaalka Ingiriiska, halka weeraryahanka labaad uu yahay xidiga Marseille Bichy Batshuayi kaas oo kaalinta sedexaad uga jira gool dhalinta France kana danbeeya kaliya Zlatan Ibrahimovic iyo Edinson Cavani.

Sidoo kale da’yarka Liverpool ee Divock Origi ayaa laga yaabaa in la magacaabo halkii uu Benteke heli lahaa booskaas.

“Waa ay adag tahay. Klopp ayaa yimid Liverpool, waxaana uu sameeyay doorashadiisa, haatan Christian Benteke shaki weyn ayaa ku jira”ayuu yiri macalinka Belgium-ka oo hadalkiisa ku daray “Waa arin laga xishoodo mida haysata Benteke, laakiin wali waqti ayu haystaa si uu isku so bandhigo, sanadkii hore ayuu dhaawac ku seegay koobkii aduunka, inuu ka maqnaado Euro waxaa ay unoqon doontaa xanuun weyn”.

“Waxaan ciyaaryahanada usoo dooran doonaa taariikhdooda, ma ahan kaliya waxyaabihii ay sameeyeen labadii bil ee lasoo dhaafay iyo wax lamid ah”ayuu hadalkiisa ku daray tababaraha Belgium-ka.

“Batshuayi waa gool dhaliye dhanka xerada rigoorada ah, Benteke waxaa uu ku wanaagsan yahay madaxa iyo isla ciyaaridakubada, halka Lukaku uu yahay mid xoogan oo dhaqso leh.”