Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa waxaa la filayaa in wadahadal dhanka Aalada Zoomka ah inay la yeeshaan Madaxweynaha mudo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa marka hore ku hormari doona kulanka Farmaajo kadibna uu xigi doono kan Ra’iisul Wasaare Rooble, waxana ay kala hadli doonaan xiisadihii siyaasadeed ee u dambeeyay ee dalku galay maalmihii la soo dhaafay iyo sidii xiisadda loo dejin lahaa.
Beesha Caalamka ayaa taageeraya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu dardargelinayo doorashooyinka, laguna saxayo habraacyada doorashada dalka.
Wakiilada Beesha Caalamka aya Isha ku haya waxa ka socda dalka, waxaana ay dadaal ku bixinayaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee jira si doorashada loo dhameystiro.



