Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Farmaajo iyo Rooble

Xubnaha beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday iyo Ra’iisul wasaaraha xil gaarsiinta in ay soo afjaraan khilaafka ka dhex taagan si ay horay ugu sii socoto doorashada.

“Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada” ayaa lagu yiri war kasoo baxay beesha Caalamka.

Waxaa uu intaasi kusii daray warka “Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin”

Ugu dambeyntii beesha Caalamka ayaa xustay Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.