Kooxda kubadda cagta ee Bayern Munich ayaa qarka u saaran inay soo gabagabeyso saxiixa difaaca kooxda Stuttgart ee Banjamin Pavard.
Laacibka reer France ayaa qanadaraaskiisa Stuttgart lagu jebin karaa qiimo dhan €35m, waxaana kooxda Bavarian ay la diyaar tahay inay bixiso qiimahaas.
22-jirkan ayaa bandhig wacan ka sameeyay Koobka Adduunka taasoo si aad ah usoo jiidatay indhaha kooxo ay ka mid tahay Bayern Munic.
Manchester United ayaa sidoo kale qayb ka ahayd xiisaha laacibkan, hase ahaatee difaaca midig ee xulka France ayaa aqbalay inuu ku biiro kooxda ku ciyaarta Allianz Arena.
Labada koox ayaa ku wada heshiiyay in ciyaaryahankan uu xagaaga dambe ee 2019 ku biiro kooxda difaacaneysa Bundesliga-ha Germany.