Barnaamijkii Soomaaliyeey Dartiina oo la soo gaba gabeeyay

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa goor dhow la soo gaba gabeeyay Barnaamijkii Dowladda iyo Shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta ay ugu gurmanayeen shacabka Soomaaliyeed ee Abaarta Macluusha ah ay ku saameysay Gobolada dalka, kaasi oo bilowday 1-dii Duhurnimo.

Barnaamijkan ayaa waxaa si toos ah looga baahinayay dhammaan TV-yada ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, waxaana ka mid ah TV-yada laga tabinayay Abu-Dubai, Abuu Deymbi Al-shaariqa iyo Idaacadaha maxaliga ah ee ku yaalla dalkaasi.

Barnaamijkan ayaa waxaa loogu magac daray (Soomaaliyeey Dartiina) waxaana qaban qaabadiisa lahaa Sheekh khaliif Bin Zeyd Al-Nahyan.

Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Al-Othman oo mar ka hadlayay barnaamijkan ayaa sheegay xaalada Abaarta ee Soomaaliya in ay ka sii dareyso, wuxuuna tilmaamay Soomaalida in si aad ah ay u soo dhaweeyeen.

Caawa Labo saac ayaa lagu dhawaaqayaa dhaqaalaha ka soo xarooda Barnaamijkan, sida ay sheegeen Wariyeyaasha sida tooska ah u baahinayay.