Kulan ka tirsan Horyaalka Heerka koowaad ee Dalkeena ayaa shalay waxa uu ka dhacay garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium, waxaana kulanka uu dhexmaray Kooxaha Kubbada cagta Bariga Dhexe iyo Horseed.
Kulankan oo ahaa kii 10-aad ayaa waxa uu ahaa mid xiiso badan, maadaama labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar ay u bogeen taageerayaasha labada dhinac ee ciyaarta daawanayay.
Ciyaarta ayaa qeybtii hore waxa ay ku soo idlaatay bar baro 0-0 ah, inkastoo labada kooxood ay iska khasaariyeen fursado dhowr ah oo loo filan karay goolal.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay ayaa waxaa kooxda kubada cagta Hirseed u suura gashay in ay la timaado gool, waaxaana goolka u dhaliyay ciyaaryahanka reer Kenya Edmond Owake, isaga oo dhliyay goolkiisii labaad ee Horyaalka Soomaaliya xilli ciyaareedkan.
Daqiiqado kadib waxaa gool kama ah iska dhaliyay ciyaaryahanka Horseed ka tirsan, kaas oo lagu magacaabo Maxamed C/raxmaan Cali, waxaana ciyaarta ay sidaas ku noqotay bar baro 1-1 ah.
Ciyaartan ayaa waxaa ka soo muuqday xiddiga si weyn uga soo dhexmuuqday Tartamadii loo qabtay Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxa ay ku soo idlaatay bar baro 0-0 ah.


