Barcelona Oo U Dhaqaaqaysa Paul Pogba Oo Qirtay Jacaylkiisa Real Madrid & Sababta Ay Sida Fudud Ugu Heli Karaan

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa la sheegayaa inay suurogal tahay inay saxeexa kubad sameeyaha Manchester United ee Paul Pogba u dhaqaaqi karto xilli uu dhawaan uun Pogba qudhiisu qirtay inuu doonayo ka ciyaarista Real Madrid oo ay xifaaltamaan.

Xiddigan kusoo guuleystay koobka aduunka ayaa dhawaan riyadiisa ku tilmaamay inuu ku biiro Real Madrid mana aha markii ugu horreysay ee uu sidaas sameeyo.

Laakiin sida uu hadda sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, Barcelona qudheeda ayaa doonaysa saxeexa Pogba haddiiba uu heshiiskiisa Old Trafford dhaco waana sababta ay qaabka sahlan ugu heli karaan.

27 sano jirkaas ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Manchester United balse waxa jira sanad kale oo dheeri ah oo ay kooxdu dookh u leedahay inay ku dari karto.

Isla markii uu soo bandhigayay dareenkiisa ah inuu ka tagi karo Man United kuna biiri karo Real Madrid, Pogba ayaa sidoo kale shaaciyay inuusan wax wadahadalo heshiis kordhin ah la furin guddoomiye ku xigeenka kooxda ee Ed Woodward.