Barcelona oo shaacisay Hal sabab uu Lionel Andreas Messi uu kaga dhaqaaqi karo kooxdiisa

Kooxda Kubadda cagta ee Barcelona ayaa shaacisay hal sabab uu Lionel Andreas Messi qaab bilaash ah uu ugu dhaqaaqi karo kooxdiisa.

Kabtanka Barcelona Lionel Messi Hubanti waa mid kamid ah Xiddigaha ugu wanaagsan aduunka sidoo kale waa laacib hogaamiya xulka Argentina.

Kooxda Barcelona ayaa sheegtay in Messi kaliya xaaladan uu kaga dhaqaaqi karo Barca waa Hadii uu ku biirayo koox aanan ka ciyaareenin horyaalada waaweyn sida Laliga, Premier league, Seri A, Ligue 1 iyo Horyaalka Bundesliga.

Kabtanka Barcelona iyo Xulka Argentina Lionel Messi qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa Barcelona waxuu dhacayaa marka lagaaro sanadka 2021ka.

Blaugrana ayaana u ogalaan doonta Messi inuu ka dhaqaaqo Barca 1 sano kahor inta uusan dhicin qandaraaskiisa waxaa sidan oo kale ay u ogalaatay Dani Alves kaasi oo 2016 ku biiray kooxda Juventus.

Sikastaba Maamulka Barcelona ayaa isku dayi doona sidii ay u heli lahaayeen haatan badalka saxda ee Luis Alberto Suarez kaasi oo da,da ay kadaba timid waxaana ay u arkaan Midkood Roberto Firminho ama laacibka xulka Poland Pietek.