Ciyaartoyda Barcelona ayaa heli doona fasax ku saabsan ciida masiixiga kadib kulanka ay galabta la leeyahiin Alaves, waxaana lagu soo warramayaa in Ernesto Valverde uu siin doono wiilashiisa maalmo ay lasoo qaataan qoysaskooda.
Fasaxaas waxaa daba yaala in loo baahan yahay sida ugu dhaqsiyaha badan iney kooxda ugu soo laabtaan si ay ugu diyaar garoobaan kulanka Catalan Derby ee Cronella ka dhici doona 4-ta January, ka hor inta aysan u safrin Saudi Arabia halkaas oo ay kusoo ciyaari doonaan Supercopa de Espana.
Ciyaartoyda reer yurub waxey tababarka kooxda kusoo laaban doonaan 29-ka bisha, waxeyna kaliya heli doonaan 7-maalmood oo fasax ah, halka xiddigaha reer koonfurta America – Messi, Suarez iyo Vidal ay soo laaban doonaan 2-da January, waana sida uu amray Valverde.
Sida jadwalka ku xusan ciyaartoyda reer Koonfurta America waxey soo laaban doonaan laba maalin qura iyadoo ay ka harsan tahay ciyaarta Catalan Derby, waxaana la leeyahay wey adag tahay iney kasoo muuqdaan.
Ma ahan wax aan macquul aheyn iney kulankaas kasoo muuqdaan, balse mararka qaar daalka ciyaartoyda ay ka qaadaan safarada ayaauma saamaxo inuu dagaal galo.
Ousmane Dembele iyo Arthur Melo ayaa joogi doona magaalada Barcelona, waxeyna sii wadi doonaan iney kasoo kabtaan dhaawacyada ay qabaan.



