Barcelona oo bedelka Neymar u aragta xiddig ay jecel yihiin jamaahiirta Real Madrid

Garabka kooxda Paris Saint-Germain Angel Di Maria ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto horyaalka La Liga balse markaan ma xiran doono shaarka kooxda Real Madrid.

Barcelona ayaa xiddigaan u aragta bedelka Neymar JR kaasoo isha ku haya inuu ka tago Camp Nou Stadium iyadoo ay u badan tahay inuu ku biiro kooxda horyaalka Ligue 1 ka ciyaarta ee Paris Saint-Germain, sida ay baahisay shabakadda RMC.

Wararka xanta ah waxay sheegayaan inay PSG adduun lacageed dhan 222 milyan oo euros kula wareegi doono Neymar, inkastoo daafaca Barcelona Gerard Pique uu niyadda u dejiyey taageereyaasha kooxdiisa Catalans markii uu sheegay inuu Neymar sii joogi doono.

Xiddiga Juventus Paulo Dybala iyo dhiggiisa Liverpool Philippe Coutinho ayaa sidoo kale
liiska ugu jira Barcelona, laakiin garabka reer Argentina Di Mari ayaa maamulka kooxdaan ula muuqda bedelka ugu macquulsan haddii uu Neymar baxo.