Qandala-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Qandala ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saaka uu ka socda Barakac balaaran oo ay sameynayaan dadka degan halkaasi.
Dadkii ku noolaa Magaalada Qandala ayaa ka barakacay halkaasi, waxaana Magaalada ku haray kooxo yar oo kaluumeysato ah iyo sidoo kale Ciidamo taageersan kooxda dowladda Islaamka ee Daacish.
Gudoomyihii hore ee Degmada Qandala oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Magaalada in ay isaga barakaceen dhamaan dadkii deganaa, kuwaasi oo ka cabsi qaba in halkaasi ay ku dagaalamaan Ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.
Waxa uu sheegay kooxda Daacish in ay ku sugan yihiin afaafka hore ee Degmada Qandala, sidoo kalena halkaasi ay ku soo wajahan yihiin Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland.
Degmada Qandala ayaa waxaa dhawaan qabsaday koox sheegatay in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish ee ka dagaalama Suuriya iyo Ciraaq.


