Daawo bandhigga Carwada Buugaagta oo wali ka socda Muqdisho

Waxaa wali magaalada Muqdisho ka socda  Bandhigga Labaad ee Carwada Buugaagta, waana markii Labaad ee magaalada Muqdisho lagu qabto Bandhiga Buugaagta.

Bandhiga Labaad ee carwada Buugaagta ayaa waxaa ka qeyb galaya , Xubno ka socda dalka dibadiisa, Dhalinyaro, Aqoonyahano iyo Mas’uuliyiin kale.

Dadka ka qeyb galaaya oo la sheegay in ay u badan yihiin dhalinyaro.

Waxaa maanta lagu wadaa in la soo bandhigo buugaag ka hadlay dhaqanka , Suugaanta iyo taariikhda dalka.

Agaasimaha   New Horizon Maxamed  Diini oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in sanadkan midkii hore uu wax badan kaga duwan yahay, sidoo kalena la filayo in carwadan lagu soo bandhigo buugaag badan oo kala duwan.

Qorayaasha bandhigan lagu casuumay waxaa ka mid ah Faaraxa Qarre oo dhowr buugaag qoray, waxaana uu soo bandhigay buugiisa Waaya arag.

halkan ka daawo sawirada bandhigga: