Wararka naga soo gaaraya dalka Turkiga ayaa sheegaya in maanta lagu wado in dibaxbaxyo waa weyn ay ka dhacaan magaalada Stanbul ee dalka Turkiga.
Waxaa isku soo baxa ka qeybgali doona madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan, iyo axsaabta mucaaradka marka laga reebo kuwa Kurdiyiinta ah.
Inkastoo qaar ka mid ah dadka Turkiga ay ka xunyihiin qaabka ay dowladda uga jawaabtay isku-daygii afgembi, ayaa haddana waxa badankooda ay sheegayaan in ay difaacayaan dimuqraadiyadda ay haystaan.


