Banaanbaxyo khasaare geystay oo ka dhacay Paris

Banaanbaxyo waa weyn oo loogu soo horjeedo dil ciidanka Booliska Faransiiska ay u geysteen Nin u dhashay dalka Shiinaha ayaa ka dhacay Magaalada Paris.

kumanaan qof ayaa isugu baxay irida hore Saldhiga Ciidanka Booliska Faransiiska , waxaana ay dhaawaceen Saddex Sarkaal oo ka tirsan ciidanka Booliska.

Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa Xabsiga dhigay kumanaan qof oo lagu eedeeyay in ay soo abaabuleen Banaanbaxaasi.

Axadii ayaa Ciidanka Booliska Faransiiska waxa ay toogteen Liu Shaoyo 56 sano jir  ah , islamarkaana u dhashay dalka Shiinaha.