Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in saakay halkaas ay ka taagan yihiin banaan baxyo xoogan oo looga soo hor jeedo sarifka lacagaha oo sare u kacay.
Dibad baxa oo ay qaban qaabiyeen qaar kamid ah ganacsatada suuqa Inji ee Garowe ayaa xabsiga loo taxaabay dadkii waday kadibna waxaa shaqo joojin sameyey dhamaan ganacsatadii.
Maamulka Puntland ayaa wadda saaka qorshe dib loogu furayo xarumaha ganacsiga suuqyada waaweyn.
Qiimaha sarifka lacagta Dollarka ayaa halkii dollar uu ka marayaa magaalada 30 kun Shilin Soomaali ah halka horay uga joogay 21 ilaa 22 Shilin Soomaali ah.


