Kumanaan qof oo banaan baxayaan ah oo isgu soo baxay Jidadka Magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil ayaa ku baaqaya Ra’iisulwasaaraha dalkaasi in uu iscasilo ka dib markii lagu eedeeyay in uu sameeyay Musuqmaasuq ba’an.
Benjamin Netanyahu ayaa shacabka ugu baaqaya in ay is dajiyaan ,islamarkaana uu hortagi doono Maxkamadda Sare ee dalkaasi.
Dadka banaanbaxa dhigaayay ayaa ku qeylinaayay dooni mayno Musuqmaasuqa Ra’iiuslwasaaraheena ha is casilo, waxaana sii wadi doona banaanbaxa inta la maxkamadeynayo Benjamin Netanyahu .
Banaanbaxayaasha ayaa xiray Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Tel Aviv.
Ciidamo aad u badan oo taabacsan Ra’iisulwasaaraha ayaa lasoo dhoobay wadooyinka.
Ra’iisulwasaaraha Israaiil ayaa lagu eedeeyay in uu sameeyay Musuqmaasuq intii uu xilka haayay.


