Dhadhaab-RisaalaFM- Banaanbax ay ka soo qeyb galeen Arday, Haween, Odayaal, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo looga soo horjeedo weerarkii ka dhacay Isgoyska Zoobe ayaa maanta waxa uu ka dhacay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dowlad Goboleedka Gaarissa.
Dibadbaxayaasha oo socod ku soo maray Wadooyinka waa weyn ee Xeryaha ayaa waxa ay u Duceyeen dadkii lagu laayay Zoobe iyagoo dhanka Kale ku baaqay in ay shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga midoobaan Dagaalka Ka Dhanka ah Al-Shabaab.
Shacabka ku nool Qaxootiga oo qaarkood ay daruufo kala duwan oo nolosha ah ay heysato ayaa hadane waxa ay sheegeen in ay ku taageeri doonaan walalaha Soomaaliyeed oo Qaraxaasi Dhibaatada ka soo gaartay waxii ay awoodaan.
Qaraxii Xasuuqa ahaa oo ay ku dhinteen 300 ee ruux tiro intaasi ka badan ay ku Dhaawacmeen, oo Sabtidii Ka dhacay isagoyska Zoobe waxaa uu noqday mid gabi ahaanba gilgilay qalbiga Shucuubta Soomaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan Caalamka.
C/qani Maxamed, Radio Risaala, Kenya


