Banaanbax ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Goblolka Mudug maanta waxaa ka dhacay Banaanbax Roob doon ah, kaas oo socday mudo saacado ah.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Degmada, Waxgarad iyo dad aad u fara badan, kuwaas oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Gaalkacyo.

Banaanbaxa ayaa waxaa Alle looga dalbanayay in uu umaddiisa ka dulqaado abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirta Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada qaar ee dalka.

Dadkii isku soo baxay ayaa waxa ay Labo rakacadood ku tukadeen meel fagaare ah, waxaana kadib ay Alle ka baryeen Roob lagu diirsado in uu siiyo.

Culimada qaar ee goobta ka hadashay ayaa waxa ay sheegeen in marwalb ay muhiim tahay in la badiyo baryada Alle iyo iskaashiga walaalnimo.