Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ka socda Magaalada Jowhar.
Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa isaga kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Buula-burde, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay kaga soo horjeedaan shirka ka socda Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Qaar ka mid ah Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay Ergooyinka ka qeyb galaya shirka Jowhar ugu baaqeen in ay ka laabtaan Go’aanka ah in caasimada koowaad ee Maamulka Hirshabeele laga dhigo Magaalada Jowhar.
Digreeto kol hore ka soo baxday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caasimada Maamulka Hirshabeelle waxaa loogu magacaabay in ay noqoto Magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.


