Inta la xaqiijiyay Laba ruux ayaa ku geeriyootay Mid kalena waa uu ku dhaawacmay ka dib Bam gacmeed lagu Weeraray Xerada Ciidanka Taraafikada Magaalada Boosaaso.
Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in Kooxihii bam gacmeed soo tuuray baxsadeen, islamarkaana ay waddaan howlgallo.
Xilliga Saldhigga Weerarka lagu qaadayay ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan kuwa Taraafikadda Puntland.
Ciidamada ayaa durba bilaabay howlgallo, ay ku baadigoobayaan kooxihii falkaasi ka dambeeyay.


